Ujeedooyinka iyo Mabaadiida Saldhiga u ah aasaaska ururka:
1.
Magaca Ururku waa : Somaliland Global Unity oo marka la soo
gaabiyo loo yaqaan SLGU
2. Maxuu yahay Ururku?
SLGU waa
urur samafaleed oo ay ku bahoobeen dhammaan muwadiniinta reer Somaliland ee ku
kula dhaqan dunida hareeraheeda.
3.
Waa Maxa Ujeedada
guud ee ururku?
SLGU waxa uu ka shaqeyn doonaa Horumarka guud ee dalka gaar ahaan
sidii loo sii kobcin lahaa adeegyada dhinacyadda waxbarashadda,
caafimaadka, deegaanka, iyo daryeelka agoonta iyo dadka jilicsan.
4. waxa uu
xil gaar ah iska saari doonaa sidii isugu xidhi lahaa isku xidhka muwaadiniinta jecel kuna hawlan inay gacan ka geystaan horumarka
guud ee dalkooda isaga oo u suuragelinaaya abuurida iskaashi casri ah oo lajaan qaadi kara qarnigan 21aad oo u saamaxaya inay wax wada qabsadaan iyagoo kala deegaan ama kala gobal-ba ah.
5. SLGU waxa uu ku dhiiri gelindoona qurbajooga iyo gudo joogaba in ay aqoontooda iyo awoodooda dhaqaale mideeyaan.
6. Waxa uu Jid cusub uu jeexayaa fursadana u abuurayaa da’ yarta soo kacaysa
ee reer Somaliland oo ah madaxda mustaqbalka
7.
SLGU waxa
uu ka
shaqeyn doonaa itaal iyo awoodna ku biirin doona dadaalka loogu jiro Ictiraafka
madaxbanaanida Somaliland
Ururkan SLGU waxa lagu aasaasay dareen iyo aragti isku midda oo shacabka reer
somaliland hiddo iyo dhaqanba u ahaa, sidaa awgeed ururka Somaliland Global
Unity waxa keliya ee u ka shaqayn doona gacana ka geysan doonaa dadaal kaste oo
loogu jiro horumarka guud iyo dib-udhiska dalka,isku xidhka bulshadiisa.
Qaab-Dhismeedka Ururka iyo Waajibaadka Guddida Hawl-Wadeenada
Sidii ururku himiilooyinka iyo hiigsigiisa looga midho dhalin lahaa waxa ururka loo sameeyay qaab-dhismeed balaadhan oo ka kooban gudoomiye guud,xooghaye guud iyo xidhiidhiyaal guud, oo garabada, bulshadda kaga jira kaalin muhiim ah. Waxaanay kala yihiin:
Sidii ururku himiilooyinka iyo hiigsigiisa looga midho dhalin lahaa waxa ururka loo sameeyay qaab-dhismeed balaadhan oo ka kooban gudoomiye guud,xooghaye guud iyo xidhiidhiyaal guud, oo garabada, bulshadda kaga jira kaalin muhiim ah. Waxaanay kala yihiin:
Guddiga Guud ee Hogaaminta Ururka
Guddiga Sare ee ururku
waxa uu ka koobnaan doonaa:
1.
Gudoomiye
2.
Xoghaye
3.
Xisaabiye
4.
Xubno
5.
Waxa kale oo ururku yeelan doonaa guddi hoosaadyo kala ah:
Ø Garabka Haweenka,
Ø Garabka Dhaliyarada,
Ø Garabka Bahda Hiddaha iyo Dhaqanka
Ø Garab Bahda Isboortiga,
Ø Garabka Ardayda Jaamacadda
. Masuuliyiinta
madaxa garabada ururka waxay soo
xulidoonan si wada jir ah 20 ccl (community cordinator,s leaders) oo midkiiba
xidhiidhin doono 33 xubnood oo xilkasnimo leh kuna soo xidhi kara ugu yaraan 2
xubood oo la argti ah.
Qorshaha Halw-Galka Ururka
Ururka oo ah urur samafaleed waxa u horaysa ee uu qaadayaa waa
inuu baadho daraasad dheerna ku sameeyo meelaha ugu haboon ee hawsha laga
bilaabayo,
iyadoo la ogsoon yahay in waddankii wada baahi yahay. Laakiin waxa loo baahan
yahay in laysu dheeli tiro. Waxa se qorshaysan in lagaga billaabo daryeelka
ogoomaha, xarumaaha naafooyin, iyo baahiyaha kale ee loo arko daraasada ka dib
inay mahuraan tahay in la horaysiiyo.
Waxa qorshaysan in ururku u diro waddankii hawl waddeeno
hawshaa weyn soo qabta oo qoraal laga duulo ka soo sameeya. Taana lagu daro
qorshaha dhaw.
HAWLGALKA
URURKA
Hawsha
|
Mudada
|
Ujeedada
|
Fullinta
|
Shaacinta
iyo baahinta jiritaanka ururka
|
Bisha
1aad
|
Sidii
loo wada ogeysiin lahaa bulsho weynta reer Somaliland, loolana tashan lahaa
|
Xubnaha
ururka oo dhan
|
Daraasada
baahida
|
3 bilood
|
In xubno
aqoon u leh oo jooga dalka gudihiisa iyo dabediisaba loo xilsaaro in ay
daraasad buuxda iyo talo bixin ka keenaan sida loo kala horeysiinayo
waxqabadka ururka ee ku waajahan horumarka dalka
|
Guddida
Guud
|
|
|
|
|
No comments:
Post a Comment